Kenya oo ka Walaacsan in Ciidankeeda Jooga Kismaayo lagu bedelo Ciidamo kale oo ka socda dalalka …

Waxaa meel xun maraya xiisada siyaasadeed ee xiligan u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, waxaana arimahan sabab looga dhigayaa damaca Kenya ee ku aadan in dowlada Soomaaliya ka tanaasusho dacwada muranka Badda ee labada wadan u dhaxeeya.

Wargeysyada kasoo baxa dalka Kenya ayaa faalooyin badan ka qoray xiisada siyaasadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxa ayna Wargeysyada u muuqdaan qoraaladooda kuwa uga sii daraya xiisada siyaasadeed ee hada taagan.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa qoray warbixin uu ku sheegay in danaha Kenya ee Soomaaliya xiligan halis ku jirto, waxa uuna arintaasi ku eedeeyay in ay ka dambeyso Madaxtooyada Soomaaliya.

Sida uu qoray Wargeyska waxaa jira walaac soo baxaya oo ku aadan in ay socdaan qorshe ciidamada Kenya looga saarayo magaalada Kismaayo laguna bedelayo ciidamo kale oon AMISOM qeyb ka aheyn balse ka socda dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

Wargeyska ayaa sheegay in Taliye ku xigeenka Nabad Sugidda Fahad Yaasiin  oo heysta Baasaboor Kenyaan ah uu bilihii la soo dhaafay wadahadal kula jiray dowladaha Itoobiya iyo Eritrea oo uu doonayo in Ciidamo aan ka mid ahayn AMISOM ay geeyaan  Kismaayo.

Waxa uu qoray Wargeyska in ciidamadan ka imaanaya dalalka Itoobiya iyo Eritrea la qorsheenayo in ciidamada Kenya kala wareegaan baraha muhiimka ah ee Kismaayo sida garoonka Diyaaradaha iyo Dekadda.

Wargeyska ayaa qoray hadii uu hirgalo damaca Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin in ay sahleyso in meesha laga saaro Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe sidoo kale ay halis gali karto danaha Kenya ee Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale qoray Wargeyska in Madaxweynaha Soomaaliya, Taliye ku xigeenka NISA, saraakiil ka tirsan NISA oo kala ah Cabdullahi Kulane iyo Zakariye Ismaaciil ay ka shaqeynayaan sidii Jubaland looga saari lahaa ciidamada Kenya.

Wargeyska ayaana xusay in dowlada Itoobiya ay aqbashay qorshayaashan socda si ay u hesho dekadda Kismaayo, waxa ayna Kenya shaki bada ka qabtaa in ciidankeeda lagu bedelo kuwa Itoobiya iyo Eritrea ka socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -