Wasiir iyo Xildhibaano ku xayirnaa Garoonka Joma Kenyatta oo Muqdisho lagu soo celiyay

Waxaa saakay magaalada Muqdisho dib loogu soo celiyay Wasiir Kuxigeenka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Libaax iyo Senatorada kala ah Ilyaas Cali Xasan iyo Zamzam Dahir oo saacado badan ku xayirnaa garoonka Joma Kenyatta ee Nairobi.

Masuuliyiinta katirsan dowlada federaalka Soomaaliya ayaa loo diiday in loogu dhufto viisaha dal ku gal dalka Kenya, waxa ayna sadexdan masuul saacado badan ku xayirnaayeen garoonka kahor inta aan saakay Muqdisho lagu soo celin.

Saraakiisha waaxda Socdaalka dalka Kenya ayaa masuuliyiinta Soomaaliyeed u sheegay in aysan amar u heysan in baasaboorada ay wataan ee Soomaaliga aysan ugu dhufan karin viisaha oo horey garoonka dhaxdiisa kaga qaadan jireen masuuliyiinta.

Wasiir Kuxigeenka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Libaax ayaa Warbaahinta u sheegay in xalay dhax seexdeen gudaha garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta, waxa uuna ka gaabsaday waxa arintan sababay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowlada Kenya ka biyo diiday codsi uga yimid dowlada Soomaaliya oo ku aadanaa in masuuliyiinta la xanibay la fasaxo si ay uga qeyb galaan shir maanta ka furmaya magaalada Naiarobi.

Talaabadan cusub ay qaaday dowlada Kenya ayaan la ogeyn waxa ay salka ku heyso , waxa ayna horey Kenya u joojisay in diyaaradaha Soomaaliya ka duula toos uga degaan Nairobi iyadoona transit kusii maraya magaalada Wajeer.

Kenya ayaa cadaadis xoogan ku heysa dowlada Soomaaliya, waxa ayna dadka siyaasada falanqeeya aaminsan yihiin in arimahan Kenya uga gon leedahay in dowlada cadaadis ku saarto si wadahadal loogu dhameeyo arinta dacwada badda ee labada dal u dhaxeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -