Ahlu suna iyo Madaxweyne Axmad Ducaale Xaaf  vs Galmudug !!

Siyaasadu waa hab loo maamulo ama lagu maamulo dowlad waxaana haga maamulidaas hab sharciyeedka u degsan dowladaas EE ma aha aragti  koox ama shaqsi  uu siduu doono u jiheeyo.

Bartamihii juun 2015kii gogoshii dib uhishiisiinta iyo dhisimaha maamul goboleedka GALMUDUG ee CADAADO, waxaa ergooyinkii beeluhu isku raaceen  tirada xildhbaanada  guud ee maamulka galmudug oo ah 89xubnood,  iyo mudo xiloodkooda oo ku astaysan 4ta sano ee soo aadan oo ku beegan  july 2019 .

Dhamaadkii  juun 2015 waxaa odayaasha dhaqanka beelaha Galmudug u gudbiyeen Gudigga Farsamadda Maamul Dhisidda GALMUDUG wakiilada beelaha u matalaya xubnaha Baarlmaanka Dowlad Gobolleedka Galmudug oo dhamays tiran.

Guddoomiyahii Gudigga Farsamadda Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa ku amaantay odayaasha dhaqanku sida hufnaanta iyo caddaaladda leh ee ay usoo xuleen xubnihi Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Galmudug.

Galmudugwaxay  yeelatay maalinkaa GOLIHII SHACABKA oo ah midka ugu muhiimsan sadexda haya’dood ee haykalka dowladeed, in la ukunko lana dhidbo golahaasi  la dajiyana sharciyadii hagi lahayd  maamulka, waxay ahayd arin lagu riiqday oo soo jeed iyo juhdi badan ay galiyeen waxgaradkii beelahu.

Waayo hadii aanu tanaasul jiri lahayn may noqoteen mira dhaliyo in beeluhu si siman u wadaagaan awooda doowladeed ee naga dhaxaysa .

Gogosha siyaasadeed ee cadaado waxay ahayd  gogol isku tanaasul iyo is qancin ku dhisnayd.  Waayo marka la qeexayo isku tanaasul ama (political compromise) waxaa lagu qeexaa(compromise is to make a deal between different parties where each party gives up part of their demand.  compromise is a concept of finding agreement through communication, through a mutual acceptance of terms—often involving variations from an original goal or desires).

Waxaa marag ma doonto ah in maamulkii ximan iyo xeeb ay si shurrud la aan ah ugu  tanaasuleen bulshad Mudug iyo galgaduud ayakoo  gabi ahaanba qaatay islana ogolaaday in la baabi’iyo ximan iyo xeeb bilaa shuruud. Aadna beelihii galmudug  ugu mahad naqeen maamulkaas.

Ansixintii Baarlamaankii iyo Doorashadii Maxawaynaha

Kadib waxaa la ansixiyay lana dhaariyay89 xubnood ee golihii shacabka galmudug oo ay ku jiraan beesha kooxda ahulsuna ee fadhigeedu yahay dhuusamareeb. Wallow kooxda AHLUSUNA  ay qadaceen aaya ka tashiga dadka galmudug ee ay gogosha u fidiyeen maamulka Xiban iyo  Xeeb.

Ansixin ka dib waxaa la guda galay doorashadii madaxwaynaha 4TH July 2015, Codeynta oo dhowr wareeg aheyd ayaa ugu dambeyntii natiijada lagu dhawaaqay iyadoo uu helay Cabdikariim Xuseen Guuleed 49 cod halka Axmed Macalin Fiqi oo ahaa musharaxii kula tartamayay wareegii ugu dambeeyay uu helay 40 cod.

Waxaan halkaa lagu caleema saaray ama lagu doortay doorasho xaq iyo xalaal ah MADAXWAYNE ABDIKARIIN GUULEED mudo 4 sano ah. Nasiib daro laba sano kabid  abdikariin wuu is casilay arimo caafimaad dartood

Doorashsdii labaad galmugud

Laba sano kadib doorashadii GUULEED ,Horaantii may 2017 Baarlamaanka Galmudug wuxuu cod qarsoodi ah ku dooran doonaa Musharaxiinta kala ah Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Prof. C/qaadir Shirwac iyo Axmed Shariif Cali Hilowle , iyadoo murashixii soo baxaa uu dhamaystiri doono waqti ka harsan xukuumadii uu hoggaamin jiray madaxwynihii hore C/kariim Guuleed oo ah mudo laba sano ah oo ku eg July 2019, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug, kadib markii uu helay codod ka badan 55 cod.

Ahlusuna iyo taansul laanteeda

Doorashadii xaaf kadib waxaan la isla qaatay in la doono ahlusuna si loo dhamaystiro geedisocodkii nabada (peace process) iyo kawada qayb qaadashada siyaasada, ayadoo loo marayo in miiska wada hadalka lala fadhiisto kooxda  ahlusana oo fadhigeedu yahay dhuusamareeb.

Sidaan kor ku soo xusnay siyaasadu waa isku tanaasul hadii la waayana oo aragtidu noqoto wax kasta kooxdaydaa mudan ama anaa mudan, waxay dhaawac ku noqonaysaa geedi socodka iyo maamulka la hiigsanaayo in la taaba galiyo, kooxda ahlusana waxay la timid gorgortan siyaasadeed oo  maro-ku dhag ah waxayna diideen  haba yaraatee in ay tanaasul ka qaadato xataa hal qodob oo ka mid ah qodobadii ay soo gudubsadeen  oo kala ah

  • 89 xubnood oo barlaamka loogu daro oo ay gooni u leeyihiin
  • Wasiirka koowaad oo lama taabtaan ah
  • Caasimada oo ah dhuusmareeb
  • Xarunta golaha baarlamaanka oo ah dhuusamreeb
  • Gudoominta fadhiyada golaha wasiirada
  • Xurunta fadhiyada golaha wasiirada
  • Ahlus’una soo magacaabato gudoomiyaha maxkamada sare
  • In ay ahlus’una ay qaadato taliyayaasha iyo ku xigeenada ciidamada kala bar

Deegaanka waxaa ka jiray maamulo ka tayo wanaagsan maamulka ahlusana  waxayna  u tanaasuleen dalka iyo dadka labadaas gobol, ayakoon qaadan hal XUBIN OO DHEERI AH  halka ahlus’una ay guntiga ku shubatay GALMUDUG awoodeedii oo dhan  ayakoo qaatay 89 xubnood oo dheeri ah , in kastoo masiirkan ay leeyiihinn umada GALMUDUG oo dhan waa arin  farsmo ahaan (technically) dadka iska leh galmudug ( galmudug stakeholders) ay ka wada tashan karaan  waxna laga badali karo maadaamo aragtidu ahayd in laga wada qayb qaato maamulka .Governance is a decision-making process that gets more people and stakeholders involved.in ahlusuna on-board laga dhigo.

Si kastaba ha ahaate  waxaa wax aad u qaraarah  oo aan laga aqbali Karin ah in madaxwaynuhu  heshiikii iyo dastuurkii lagu doortay ee uu saxiixay inta aan la dooran oo tilmaamayay mudado xileedka madaxwaynaha oo ku suntanayd laba sano ( two years) oo uharsanyad madaxwaynaha iyo baarlamaankaba

In axmad ducaale xaaf uu si jeebkiisa ah u ugu kordhiyo mudo xileedkiisa ama ( his own mandate) sidoo kalana uu u kordhiyo mudada  baarlmaankii asaga ku doortay cadaado, mudo cusub oo 4 sano oo horleh ah, ujeedkiisuna yahay in uu siihayo xilka 4 SANO oo kale marka ay mudadiisu dhamaato oo ku eg JULY 2019

Xubanaha barlameteeriyaanka oo maamul waa la soo doortaa , waxaana lagu doortaa hub sharciyadeed heshiis lagu wada yahay oo mudo cayamin leh,  BAARLAMAANKA GALMUDUGNA waxay mandate haystaan ilaa JULY 2019 sidaa si le’egna madaxwaynaha ayaa waqtigiisu ku egyahay.mana dhacayso lagamana aqbalayo in AHLUSUNA in ay awooda galmugug si hanbo laan ah oo sad bursi ah ay ku marooqsato. Sidoo kale madxwaynaha waqtigiisu dhamaaday ee axamd ducaale xaaf uu sharcigii lagu heshiiyay ee galmudug uu jeebkiisa ku qaato, waayo tacabkii, isutanaasulkii  iyo heshiiskii beelha GALMUDUG loogu soo dhabar adaygay  ma ahan in lagu burburiyo damaca madaxwayne Axmad ducaale iyo tanaasula laanta ahlusuna, beelaha GALMUDUGNA cidna dhibaad uma siin karaan wax aaney xaq u lahayn, ee ahlusana dib ha ugu soo laabto miiska wada hadalka,madaxwaynaha waqtigiisu ka dhamaadayna  sharciga galmudug ha ixtiraamo.

Qore: A—Sheikhomar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -