Mareykanka oo kaalin muhiim ah u aqoonsaday dalka Kenya ka dib booqashada Ruto

Madaxweynayaasha Kenya William Ruto iyo Maraykanka ayaa shir jaraa’id ku wada qabtay Aqalka Cad oo ay kaga hadleen xiriika labadooda waddan, iyo arirmaha caalamka oo ay ugu horrayso xaaladda Haiti.

Dalka Maraykanka ayaa sheegay inuu kor u qaadayo heerka iskaashiga ee Maraykanka iyo Kenya ee arrimaha gobolka iyo caalamkaba.

Mareykanka ayaa sheegay inuu Kenya u aqoonsado inay tahay waddankii ugu horreeyay ee muhiim ah oo aan NATO ka tirsanayn ee ka hooseeya saxaraha Afrika iyadoo madaxweynaha Kenya William Ruto uu booqasho ku joogo Washington, DC, si loo xoojiyo xiriirka labada waddan.

Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Congress-ka ku wargelin doono in Kenya uu gaarsiin doono heerka oo ah mid muhiim ah .

Hadda, Maraykanku wuxuu leeyahay 18 waddan oo loo aqoonsaday inay yihiin xulafo aan NATO ahayn, oo ay ku jiraan dalalka Israel,Brazil iyo Filibiin.

Isagoo ka hadlayay Aqalka Cad subaxnimadii Khamiista, Ruto ayaa sheegay in safarkiisa caasimadda Mareykanka uu yahay “calaamad saaxiibtinimo iyo iskaashi ka dhexeeya laba waddan oo wadaaga qiyamka guud”, oo ay ku jiraan xorriyadda iyo dimuqraadiyadda.

Booqashada Ruto ee Mareykanka, oo bilaabatay horraantii toddobaadkan, ayaa hoggaamiyaha Kenya waxa uu wadahadal kula yeeshay Biden Aqalka Cad ee Mareykanka looga armiyo.

In Kenya loo aqoonsado xulufo aan NATO ahayn oo muhiim ah” waxay ka tarjumi doontaa kor u kaca Kenya ee gobolka oo muddo dheer  ay kala  shaqaynaysay Mareykanka hawlgallada ka hortagga argagixisanimada ee qaaradda Afrika iyo Dalalka Soomaaliya ka Midka tahay.

Booqashada Ruto waxay sidoo kale ka dhigan tahay 60 sano oo xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Mareykanka iyo Kenya.

Casuumada hogaamiyaha Kenya uu ka helay Madaxweynaha Mareykanka ayaa ah Casuumdii Lixaad oo uu sameeyo maamulka Biden, waana booqashadii ugu horeysay ee rasmi ah ee madaxweyne Afrikaan ku tago tan iyo 2008dii.

 

- Advertisement -