Rag bambooyin ku Weeraray saldhigyo Boolis oo Muqdisho lagu qabtay

Taliye ku-xigeenka ciidanka Boliska Soomaaliya Jen. Zakia Xuseen ayaa sheegtay in cidanka amnigu ku guuleysteen soo qabashada rag weeraro bambooyin ah ka geystay Muqdisho.

Jen. Zakia Xuseen ayaa intaas ku dartay in ragga la qabtay oo ka kooban labo nin ay bambooyin ku tuureen saldhigyada booliska ee Hodan iyo H/wadaag.

“Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku soo dhigay dhaqarqabe bam ku soo tuuray Waaxda Taleex ee degmada Hodan. Sidoo kale waxeey ku guleysteen in ay soo qabtaan dhagarqabe kale oo isla caawa bam ku tuuray suuqa bakaaro ee degmada Howlwadaag” ayey intaas ku dartay Jen. Zakia Xuseen.

Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska fahfaahin kama bixin qaabka gacanta loogu dhigay labada nin balse waxay sheegtay in labada weerar aysan wax qasaara ah ka dhalan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -