Dil caawa ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Kooxo hubeysan ayaa caawa ku dilay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada H/wadaag nin magaciisa lagu sheegay Maxamed Xasan Axmed Mooge.

Dilka ninkan ayaa ka dhacay xaafada Cali Caliyow ee degmada H/wadaag, waxaana uu ka mid ahaa dadka caanka ah degmadaas gaar ahaan bahda Isboortiga.

Dableyda dilka geysatay ayaa ka baxsatay goobta, iyadoo sida caadada ah ay wax yar ka dib halkaas gaareen ciidamada amaanka oo sameeyey baaritaano aan cidna lagu soo xirin.

Lama oga illaa hadda sababta loo dilay ninkan iyo cida ka dambeysa, waxaana tan iyo markii la galay bisha Ramadaan xoogeystay dilalka iyo weerarada ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -