Habeen kaliya casho ma ku iibsan laheyd keligaa $173 kun oo dollar (Daawo Sawirro)

Maal-qabeenno Itoobiyaan ah ayaa bixiyey 173,000 oo dollar midkiiba, si ay uga qeyb galeen casho uu sameeyey ra’iisul wasaare Abiy Ahmed oo lacag loogu ururinayey qurxinta magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa.

Warbaahinta dowladda ku xiran ee FANA, ayaa daabacday sawirrada dadka cashada ka qeyb-galay oo xiran suudad, isla markaana fadhiya kuraas lagu deday ubaxyo.

“Halkii kursi ee cashada waxaa lagu qiimeeyey 5 milyan oo birr” ayey tiri warbiixnta Fana. 5 milyan oo birr waxay u dhigantaa ku dhowaad 173,000 oo dollar.

Xafladda ayaa waxaa loo qabtay in lacag loogu ururiyo mashruuc saddex sano soconaya oo uu wado Abiy, kaasoo sare loogu qaadayo sumcadda caasimadda.

Mashruuca oo lagu badinayo goobaha doogga leh ee caasimadda, ayaa waxaa masaafe dhan 56 km oo isku wareeg ah looga hir-gelinaya, geedo, beero, darjiinooyin, marinno ay maraan baaskiilada iyo goob lagu socdo oo ku xirmaya webiyada magaalada, iyadoo Mashruuca uu ku kacayo hal bilyan dollar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -