Gantaal lagu riday Magaalada Makkah oo hawada lagu bur buriyay iyo Xuutiyiinta oo…

Ciidamada difaaca ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa la sheegay in hawada magaalooyinka Taa’if iyo Jeddah ka qabteen kuna bur buriyeen laba gantaal oo nooca ballistic oo laga soo riday gudaha dalka Yemen.

Gantaaladan ay bur buriyeen ciidamada cirka Sacduudiga ayaa lagu eedeeyay in ay soo rideen Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen, waxaana mid kamid ah gantaalada la bur buriyay la sheegay in uu ku wajahnaa magaalada barakeesan ee Makkah.

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ayaa beenisay warka kasoo baxay dowlada Sacuudiga ee ku aadan in Gantaalo kooxdaasi ku rideen magaalada Makkah hawada lagu bur buriyay.

“Maamulka Sacuudiga waxa uu, isaga oo adeegsanaya eedeymahan, isku dayayaa inuu taageero u raadiyo gar-darrada foosha xun ee ka dhanka ah shacabkeena Yemen” ayuu yiri afhayeen u hadlay militariga Xuutiyiinta.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa horey ugu hanjabay in ay billaabi doonaan howlgal miltari oo ka dhan ah 300 oo ah bartilmaameedyo militari oo muhiim ah oo ku yaalla dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -