Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Khayre oo Muqdisho ku qaabilay Madaxa arrimaha dibeda ee Midowga Yurub (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ay hoggaamineyso Ku-xigeenka Madaxa Midowga Yurub ahna madaxa Arrimaha Dibadda & Siyaasadda Federika Mogherini.

Waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Kulan ay xafiiskiisa kula yeelatay Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa looga hadlay arrimo quseeya xiriirka labada dhinac iyo iskaashiga ka dhaxeeya.

Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo Wakiilka Sare ee Arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga Midowga Yurub, Marwo Federika Mogherini ayaa sidoo kale ka wadahadlay horumarka howlaha dib u habeynta hay’adaha dowladda iyo kaalinta Midowga Yurub ee howlaha dowladda Soomaaliya hor yaalla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo tacsi u dirtay shacabka iyo dowlada Masaarida (Akhriso)

Caydiid Ali

Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga oo Muqdisho lagu xusay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxey Soomaaliya muhiim ugu tahay muranka u dhaxeeya dowladaha Masar iyo Itoobiya?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---