War cusub oo ka soo kordhay hakadkii labada bilood ku jiray bixinta baasaboorka Soomaaliga

Waxaa maanta dib loo bilaabay bixinta Baasaboorka Soomaaliga kadib markii uu xayirnaa muddo ka badan laab bilood taasoo cabasho culus ay ka keeneen shacabka.

“Waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu wargelinayaa in bixinta Baasaboorka ay dib uga bilaabatay dhammaan xafiisyada dalka, qunsuliyadaha iyo safaaradaha…Waxaa kale oo aan muwaadiniinta uga mahad-celineynaa dulqaadkooda mudadii hakadka lagu jirey…” ayaa lagu yiri war kooban oo ka soo baxay xafiiska Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya

Lama sheegin sababta keentay in mudadda intaas la eg uu hakad galo bixinta Baasaboorka iyo qaabka loo xaliyey, balse warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in shirkadii hore ay dib u bilowday shaqadeedii iyadoo si KMG ah loo xaliyey khilaafkii ka dhashay waqtiga heshiiska oo dhammaaday.

Marna ma aysan shaacin dowladda Soomaaliya heshiiska lagu sameeyo Baasaboorka, kharashka ku baxa iyo sababta loogu baahday in shirkado shisheeye ay sameeyaan, waxaana weli socda heshiiska mugdiga badan ku jiro ee soo bilowday xilligii dowladii Xasan Sheekh, waxayna u muuqataa in dowladu ay awoodi weysay waddo aan aheyn in heshiiskaas uu sii socdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -