Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo Shaacisay Howlgal qorsheesan oo lagu dilay 40 xubnood oo katirsan Al Shabaab

Warsaxaafadeed goordhaw kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in  40 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab  lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Cali Fooldheere oo hoos taga degmada Mahadaay.

Howlgalka oo ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa sirdoonka iyo nabad sugida Soomaaliya  ayaa la sheegya in lagu  bartilmaameedasay xubnahan katirsan Al Shabaab oo la sheegay in ay isku abaabulayeen dhulka keymaha ah ee ku yaala deegaankaan.

Dowladda Soomaaliya ayaana u  mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed  qaybta ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab iyo saaxiibada caalamiga ah oo ku garab taagan dowladda dagaalkaan ay Al Shabaab kula jirto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo Guddoomiyay Shir Xasaasi ah oo ay yeesheen Golaha Wasiiradda

Cabdi Cade

(Sawirro) Xukuumada Somalia oo War ka soo saartay qaraxii saaka ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamsa oo heshiis la saxiixday 15 Wasiir oo ka tirsan Xukuumadiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---