Maxaa ka jira dagaalkii shalay ka dhacay Gedo lagu dilay Siyaad C/Naasir Cagalaab?

Al-Shabaab ayaa ku baahisay baraha Internetka ee wararkooda faafiya in dagaal xooggan oo shalay ka dhacay gobolka Gedo ay ku dileen  taliyihii ciidamada Sirdoonka degmada Garbahaarey Col. Siyaad C/Naasir Cagalaab.

Waxay sidoo kale sheegeen in dagaalka oo ay qeyb ka ahaayeen Ciidamo Itoobiyaan ah ay ku dileen 7 askari oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland.

Dagaalkan ayaa ka dhacay degaanada Maykaareebey iyo  Iimey oo qiyaastii 20-km dhinaca Waqooyi kaga toosan Garbahaarey.

Dhinaca kale, Saraakiisha Ciidamada dowladda ee gobolka Gedo waxay dhankooda sheegeen in duulaanka ay iyagu qaadeen ayna ku dileen illaa 8 ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab, ayna ka qabsadeen degaano cusub.

Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijinaya ama beeninaya sheegashada dhinacyada ku dagaalamay gobolka Gedo, balse waxaa degan degaanadii lagu dagaalamay sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -