Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Laascaanood oo dagaal looga saaray Ciidamada Somaliland

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxaa xalay ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Somaliland iyo maleeshiyaad hubeesan oo ah dadka deegaanka Laascaanood.

Dagaal saacado socday ayaa ciidamada maamulka Somaliland looga saaray magaalada Laascaanood , waxaana magaalada inteeda badan saakay gacanta ku haya ciidamada deegaanka ee is hubeeyay.

Ciidamada maamulka Somaliland ee laga saaray magaalada Laascaanood ayaa ku sugan deegaanno magaalada bannaankeeda ah, mana jiro ilaa hadda wax war ah oo maamulka Somaliland kasoo saareen ka bixitaanka ciidankooda ee Laascaanood.

Magaalada Laascaanood qeybo kamid ah saakay waxaa isugu soo baxay shacabka magaalada oo gacanta ku wata astaanta Calanka Soomaaliya, waxa ayna ku qeylinayeen ereyo ka dhan ah maamulka Somaliland.

Odayaasha dhaqanka iyo xubno hoggaaminayaasha maleeshiyadaka hubeesan ayaa shir uga socdaa magaalada Laascaanood, waxa ay sidoo kale xubnahan shir la leeyihiin madaxda shirkadaha isgaarsiinta ay ka dalbadeen in adeegga Internetka soo daayaan.

Xaalada Laascaanood ayaana saakay u muuqata mid degan oo ka duwan sidii maalmihii hore aheyd, waxaasajirta cabsi laga qabo in ciidamada Somaliland mar kale magaalada duullaan kusoo qaadaan oo dagaal kale ka qarxo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -