Madaxweynihii hore ee Kenya oo lagu xukumay inuu bixiyo 10 Milyan oo dollar

Sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha, Maxkamadda sare ee Kenya ayaa xukuntay in Madaxweynihii hore Daniel arap Moi uu bixiyo ku dhawaad 10 milyan oo doollar isagoo siinaya qoys uu si sharci darro ah ugala wareegay dhul muddo haatan laga joogo 36 sano.

Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in 21 Sebtembar 1983 uu Madaxweynahan hore amray in saraakiishu ay magaciisa ku diiwaan galiyaan dhul uu lahaa nin lagu magacaabo Noah Kipngeny Chelugui, iyadoo Moi uu 24 sano ka dib dhulkaas ka sii iibiyay qoyska Jaswant Rai.

Xaakimkii Maxkamaddu ayaa sheegay in dhulka loola wareegay si sharci darro ah isla markaasna aysan u qalmin in dastuurka uu difaaco dhulkaas.

Xukunkan waxaa ridday Maxkamadda sare ee Eldoret, waxayna sheegtay in ficilka madaxweynuhu uu sharci darro ahaa waxayna amartay in madaxweynihii hore iyo shirkadda Rai Plywood  oo lala xiriiriyay qoyska Rai inay qoyska Chelugui siiyaan lacag ku dhaw 10 milyan oo doollar oo lagu sheegay qiimaha uu dhulkaasi hadda joogo.

Xaaska ninkii dhulkan lahaan jiray oo 85 jir ah iyo wiil uu dhalay ayaa dacweeyay Moi, iyagoo ku eedeeyey in xiligii uu madaxweynaha ahaa uu si awood sheegasho ah ugala wareegay dhulkoodii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -