Ra’isul Wasaare Xamse iyo Wasiirro tacsi u tagay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Hamza Abdi Barre oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada ayaa maanta tagay safaaradda dalka aan walaalaha nahay ee Turkiye si uu uga tacsiyeeyo Dowladda iyo Shacabka Turkiga dadka ku dhintay musiibadda dhulgariirkii ka dhacay Isniintii.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirrada ayaa u duceeyay dadka dhintay, isaga oo saxiixay buugga tacsida ee loo furay dadka ku dhintay dhulgariirka, waxaana isaga oo ku hadlaya codka Xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed uu sheegay inay aad uga tiiraanyeysan yihiin, isla markaana ay uga tacsiyeynayaan dowladda Turkiga iyo shacabkeeda.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu codsaday in salaadda Jimacaha ee berri si wadajir ah loogu soo duceeyo dadkii ku dhintay dhulgariirkaasi dalka Turkiye iyo Suuriya, inuu Allaah naxariistiisa Janno ugu deeqo, kuwa dhaawaca ahna caafimaad deg deg ah siiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -