Al-Shabaab oo shaacisay Magacyada Masuuliyiin dhimasho & dhaawac uu ka soo gaaray qaraxii shalay

Al-Shabaab ayaa shaacisay mas’uuliyiin u badan maamulka degmada Wardhiigley oo dhimasho iyo dhaawac loogu geystay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay xarunta degmadaas ee magaalada Muqdisho.

Xoghayihii degmada Wardhiigley Cali Aadan Warsame ayay Alshabaab sheegtay inuu dhaawac halis ah kasoo gaaray weerarka, halka uu sidoo kale ku dhaawacmay Agaasimaha guud ee Minishiibiyada degmada Wardhiigley, kaasoo magaciisa lagu soo koobay Cumar, sidoo kale saraakiisha weerarkaasi ku dhaawacmay taliye ku-xigeenkii Minishiibiyada Degmada, sida Al-Shabaab laga soo xigtay.

Xubnaha ku dhaawacmay qaraxa waxaa kaloo ka mida nin lagu magacabao Cabdi Guure iyo haweeneyda Dahabo Salaad oo la sheegay inay ahaayeen laba Guddoomiye Waaxeed oo ka tirsan degmada Wardhiigley.

Dadka ku dhintay weerarkii xarunta Degmada Wardhiigley ayey Alshabaab ku sheegtay inuu ka mid ahaa Madaxa Canshuuraha degmada oo ka tirsanaa NISA iyo laba guddoomiye waaxeed.

Ma jirto cid xaqiijisay sheegashada Alshabaab, laakiin taliye ku xigeenka Booliska ayaa sheegtay in afar qof lagu dilay 9 kalena ay ku dhaawacmeen weerarkii shalay oo burbur xoogan uu ka soo gaaray xarunta degmada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -