Allbanaadir.com
NEWS

(Akhriso) Dowlada Somalia oo si kulul uga hadashay Weeraro ka dhacay dalka Sacuudiga

WAR-SAXAAFADEED

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaaraynaysaa weerarka argagaxiso ee loo adeegsaday diyaarado aan duuliya lahayn oo gacan ku samays ah oo waxyaabo qarxa lagu rakibay oo shalay subax oo Talaado ahayd lagu beegsaday labo goobood oo shidaal oo ku kala yaalla deegaannada Al Duwadimi iyo Afif ee bartamaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Soomaaliya waxa ay u aragtaa falalkaasi burburinta leh mid halis ku ah nabadgelyada gobolka, waxa ayna si dhammaystiran u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya hoggaankeeda, xukuumaddeeda iyo shacabkeeda si ay uga hortagaan iskuday waliba oo lagu waxyeeleynayo amniga qarankooda.

Dhammaad

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo iyo Rooble oo maanta kulan toos ah yeelanaya iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Cabdi Cade

Gudoomiye Mursal oo ka guuray xarunta Madaxtooyada iyo xog ku aadan halka uu degay

admin

Khayre oo labo arrin ka dalbaday DF ka dib qabashadii Ceelbuur & degaano kale

Caydiid Ali
Taboola Ads ---