Sarkaal ka tirsanaa dowladii Siyaad Barre oo la soo taagay Maxkamad ku taalla Maraykanka

Nin ka tirsanaa saraakiishii ciidamada ee dowladii marxuum Maxamed Siyaad Barre oo deggan gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa maxkamad rayid lala koray, iyadoo lagu eedeynayo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Dacwad madani oo ka dhan ah Col. Yuusuf Cabdi Cali ayaa toddobaadkan ka billaabatay Maxkamadda federaalka ee gobolka Virginia, waxaana la koray Farhan Mohamoud Tani Warfaa oo ah ninka soo dacweeyey.

Farhan ayaa ku eedeeyey Yuusuf inuu jir-dilay, isla markaana uu geeri ku sigtay sanaddii 1988-kii xiligii ay socdeen dagaaladii u dhexeeyey ciidamadii dowlada iyo jabhadii SNM.

Dacwaddan ayaa lagu sheegay in Yuusuf uu ahaa taliye ku tirsan Guutada Shanaad ee Ciidamadii Xoogga Dalka ee ku sugnaa Somaliland.

Yuusuf ayaa lagu eedeeyey inuu Farhan iyo rag kale oo da’yar xiray 1987-kii, isaga oo wax ka weydiinaya haan biyo oo la waayey.

Farhan ayaa sheegay inuu dhowr bil xirnaa, markaasoo dhowr mar dharka laga dhigay lana garaacay, sida uu sheegay.

Farhan ayaa sidoo kale ku eedeeyey Yuusuf inuu dhowr mar toogtay isla markaana askartiisa ku amray inay aasaan, isagoo mooday inuu dhintay.

Hase yeeshee, askartii ayaa garowsaday in Farhan weli nool yahay, waxayna kadib si qarsoodi ah ugu geeyeen qoyskiisa, iyagoo taas ku beddeshay laaluush, sida lagu sheegay dacwaddan madaniga ah.

Yuusuf ayaa markii ay dowladdii Soomaaliya dhacday sanaddii 1991-kii u qaxay dalka Canada, hase yeeshee waxaa laga soo masaafuriyey markii talefishinka CBC ee dalkaas uu barnaamij ka diyaariyey eedeymaha loo haysto, isagoo hadda muddo labaatan sano ka badan degan gobolka Virginia, waxaana eedeymahan beeniyey qareenka u doodaya Yuusuf.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -