Maxkamad Go’aan ka gaartay Aabe Damcay in cunugiisa kala baxsado Isbitaal! ( Sawirro)

Maxkamad kutaala magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa dambi ku weysay Aabe  damcay in Isbitaal lagu daweeyay cunug yar uu dhalay kala baxsado, kadib markii uu bixin waayay lacagta lagu daweeyay cunugiisa.

Boniface Murage oo 20-sano jir ah ayaa cunug yar oo ka xanuunsaday geeyay Isbitaalka  Kenyatta ee magalada Nairobi, waxaana aabahan uu awoodi waayay in uu iska bixiyo lacag dhan 500-dollar oo lagu daweeyay cunugiisa xanuunsanaa.

Aabahan dhalinyarada ah ayaa la sheegay markii uu awoodi waayay in uu bixiyo lacagta Isbitaalka ka rabay uu damcay in cunugiisa kala baxsado isbitaalka, waxa uuna kusoo riday cunuga oo hal bil kaliya jiray bac weyn oo nuuca alaabta lagu qaato ah.

Ilaalada Isbitaalka ayaana ninkan xili uu doonayay in uu banaanka u baxo gacanta ku dhigay, waxaana ninkan la dhigay Xabsiga iyadoona lagu soo eedeeyay in uu xatooyo damcay in uu sameeyo.

Baraha bulshada ayaa si weyn loogu baahiyay sheekada ninkan, waxa ayna shacabka Kenya si caro leh uga hadleen dhacdadan iyagoona dhaleeceyn xoogan usoo jeediyay nidaamka cafimaadka ee dalkaai.

Ninkan loo heestay in uu damcay in Isbitaalka kala baxsado lacag cunugiia lagu daweeyay ayaa maanta Maxkamad lasoo taagay ku weysay wax dambi ah, waxa uuna ninkan ka badbaaday xabsi 3-bil ah.

Dadka adeegsada baraha bulshada ee kunool dalka Kenya ayaa ninkan lacago u aruurshay, waxaana laga bixiyay lacagta isbitaalka ku lahaa, waxaa sidoo kale ninkan uu helay lacag dheeri ah oo caawinaad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -