Gudoomiye Mursal oo ka guuray xarunta Madaxtooyada iyo xog ku aadan halka uu degay

War goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in Gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal uu goordhaw ka guuray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya uu degnaa mudo dhowr bilood ah.

Ilo ku dhaw dhaw gudoomiyaha golaha shacabka ayaa Warbaahinta si hoose ugu sheegay in uu isaga soo guuray xarunta Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan dhismaha Martida ee Villa Uganda kadib cadaadis xoogan iyo go’doomin uu kala kulmay Xafiiska Madaxweynaha.

Maxamed Mursal ayaa lagu soo waramayaa in uu degay Hotelka Shabel oo horey xarun ugu ahaa xisbigii bur buray ee Daljir, Hotelkan oo kuyaala meel aad loo ilaaliyo ayaa ku dhaw garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku jiray go’doomin siyaasadeed, waxaana loo diiday in ay la kulmaan una tagaan Xildhibaano kamid ah kuii mooshinka ka gudbiyay Madaxweyne Farmnaajo.

Waxii Warar ah ee amuurtan kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -