Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shaqaale ka tirsan heyaddo caalami ah oo u gacan galay Al-Shabaab

Xoogaga Al-Shabaab ayaa maanta laba qof oo shaqaale samafal ah ka afduubtay tuulo u dhow degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Labada qof oo u kala shaqeynayay hay’adaha Trocaire iyo World vision ayaa laga afduubtay degmada Geedweyne oo qiyaastii 30km dhinaca Bari ka xigta began degmada Doolow.

Labada qof ee la afduubay ayaa ahaa shaqaale Soomaali ah oo lagu kala magacaabo Maxamed Suubow Cabdulle iyo C/laahi Rashiid (Eng. GBS).

Kooxda afduubka geysatay ayaa la sheegay in labada qof ay ula dhaqaaqeen dhanka dhulka miyiga ah ee ay ka taliyaan Al-Shabaab ee Gobolka Gedo.

Mas’uulyiin ka tirsan laamaha amaanka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in labadaan qof la afduubtay xili ay ku guda jireen shaqo ay u tageen degaanka Geedweyne ee Gobboka Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Saldhig ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Ciraaq oo la weeraray

Cabdi Cade

Tirakoob saameynaya Soomaalida oo ka bilowday Kenya & Ciidamo Mareykan ah oo la qarxiyey

admin

Maxaa ka jira in lacag loo heysto ciidanka dowlada Somalia loogu tababaray Eritrea?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---