Madaxweyne Xaaf & Senator Muuse Suudi oo kulan yeeshay (Maxay ka wada hadleen?)

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo safar ku jooga magaalada Nairobi ayaa qaabilay Senator Muuse Suudi Yalaxoow oo ka mid mudanaayasha Aqalka Sare ee matala dadka ku nool Gobalka Banaadir.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in labada masuul ay ka wada hadleen arrimo kala duwan.

“Kadib soo dhaweyn iyo is xog-wareysi guud, Senator Suudi ayaa ku ammaanay Madaxweyne Xaaf dadaalkiisa ku aadan difaacida qadiyada maqaamka Caasimadda oo kamid aheyd ajendayaashi la isku mari-waayey kulankii wada-tashiga ahaa Ee dhawaan Garoowe ku dhex-maray Madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyada dalka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Labada siyaasi ayuu khilaaf kala dhexeeyaa madaxda dowlada, iyadoo Senator Muuse Suudi uu ku gacan seyray amar ka soo baxay Maamulka G/Banaadir oo sheegayey inuu ka guuro dhul dan guud ah oo uu degan yahay, halka Madaxweyne Xaaf iyo dowlada dhexe ay isku khilaafsan yihiin mudada xil heynta Xaaf iyo sida loo xalinayo khilaafka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -