Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Boqor caan ah oo ragga ku nool dalkiisa ku soo rogay amar yaab leh

Boqorka Dalka yar ee Swaziland Mswati ayaa soo saaray amar adag oo faraya raggu dalkiisa inay guursadaan laba xaas iyo wax ka badan, haddii aysan raggu sidaasi sameynina ay xabsi muteysan doonaan.

Boqor Mswati ayaa ku hanjabay in qof kasta kasta oo ka soo horjeesta go’aankan rag iyo dumarba ay  wajihi doonaan xukun xabsi daa’in ah.

Waxaa uu sheegay in dalkiisa Swaziland uu wajahayo xaalad aad u adag, taasoo ah in haweenku ay aad uga badan yihiin ragga, sidaa daraadeed ayuu sheegay in ragga Swaziland laga rabo inay guursadaan xaasas badan, si haweeney kasta ay u hesho nin guursada.

Boqorka dalka Swaziland ayaa waxaa uu qabaa 15 xaas waxaana uu leeyahay 25 carruur ah, halka aabihii oo ahaa boqorkii isaga ka horeeyay uu qabay 70 xaas wax ka badan iyo carruur tira 150 kor u dhaaftay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

C/rashiid Janan oo Muqdisho ku yimid socdaal shaki badan laga Muujiyey

Caydiid Ali

Shir kale oo deg deg ah loogana hadlayo xaalada Soomaaliya iyo Itoobiya oo la qabanayo

Cabdi Cade

Nidaam Casri ah uu ku shaqeyn Doono Maamulka G/Banaadir oo laga shiray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---