Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

C/rashiid Janan oo Muqdisho ku yimid socdaal shaki badan laga Muujiyey

Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Janan oo ka mid ah Xubnaha sida weyn ugu dhow Axmed Madoobe ayaa soo gaaray Muqdisho shalay.

Mas’uulkan ayaa la dejiyay Xarunta NISA sida wararka qaarkood sheegayaan, waxaana socdaalkiisa loo badinayaa inuu la xiriiro arrimaha doorashooyinka Jubbaland oo dowladda Federaalka dooneyso inay galaangal ku yeelato.

Janan oo ka soo jeeda gobolka Gedo, ayna isku heyb yihiin Madaxweyne Farmaajo ayaan la ogeyn inuu weji cusub la soo bixi doono iyo in kale ka dib marka dowladdu tashkiiliso.

Safarka uu Muqdisho ku yimid Janan ayaa ku soo aaday xilli uu jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxweyne Axmed Madoobe kaasoo aan weli xal laga gaarin, waxaana dowladu ay raadineysaa wadadii ay u mari laheyd sidii meesha looga saari lahaa.

   Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin la dhashay Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka Banaadir oo qarax lagu dilay

Caydiid Ali

Xukunno Dil iyo xabsi isugu jira oo lagu riday askar ku lug laheyd Weerarkii Siinaay

Cabdi Cade

Xildhibaanada Golaha shacabka oo ansixiyey labo sharci oo Muhiimad gaar ah leh (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---