Xisbiga Haldoor oo cadeeyay mowqifka Xisbiga ee Shirkii Garoowe ee dhawaan dhacay!!

(Muqdisho- 13-05-2019) Xisbiga Haldoor oo ah Xisbi siyaasadeed, diwaan gashan, una taagan xoojinta Dowladnimada Soomaaliya, iyo horumarinta Siyaasad wax dhisaysa, ayaa Gudiga Fulinta ee Xisbiga oo maanta shir ka yeeshay “Shirkii Garoowe ee u dhaxeeyay Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada”. Hadaba dood dheer iyo falanqeyn ka dib waxaa Xisbigu ka soo saaray aragtidiisa ku aadan shirka:

1- Xisbiga Haldoor wuxuu soo dhaweynayaa shirka oo ahaa fursad qiimo badan oo ay isku dhaafsadeed Madaxdu aragtiyadooda ku aadan xaalada siyaasadeed ee dalka. Xisbiguna wuxuu si gaara ugu mahad celinayaa Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni oo gogosha dhigay iyo Madaxdii ka qeyb gashay shirka.

2- Xisbiga Haldoor wuxuu ka soo horjeedaa aragtida lagu soo bandhigay shirka ee ku aadan in la sameeyo “Madasha Hogaamiyaasha” oo la mid ah tii 2016, taasoo Afduubaysa fadhiidna ka dhigeeysa shaqadii iyo waajibaadkii Barlamaanka (Golaha shacabka iyo Aqalka Sare).

3- Xisbiga Haldoor wuxuu bogaadinayaa tiiyoo ay jirto kala aragti duwanaan in korjoogayaal Shisheeye aan loo baahan, wuxuuna ku boorinayaa kala aragti duwanaanshaha in lagu xaliyo “Guri iyo Gogol soomaaliyeed” oo mar kale la iskugu yimaad iyadoo la fiirinayo danta dalka iyo dadka.

4- Xisbiga Haldoor wuxuu ugu baaqayaa Madaxda Maamul Goboleedyada in aysan hor-istaagin Hindise Sharciyeedyada; Shidaalka, Doorashooyinka, Canshuuraha Dalka iyo kuwa kale ee horyaal Barlamaanka, wixii aragtiyo ah ee ay qabaan kaga qeyb qaataan marxalada uu marayo iyadoo la fiirinayo danta dalka iyo dadka soomaaliyeed.

5- Xisbiga Haldoor wuxuu bogaadinayaa Shirarka garab socday Shirka Garoowe oo ay yeesheen Wasaaradaha heer Federaal iyo kuwa Maamul Goboleedyada, waxaana Xisbigu ku baaqayaa in kala aragti duwanaanta Madaxda aysan saameeyn, wadashaqeynta Hay’addaha Dowladda federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada .

6- Xisbiga Haldoor wuxuu ku baaqayaa in Madasha Iskaashiga Maamul Goboleedyada ay noqoto mid loo dhan yahay oo marba dhowr maamul goboleed aysan noqon, tasoo ahaata madal u taagan danaha Shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isla markaana ah madal wax dhista oo aan wax burburin.

7- Xisbiga Haldoor wuxuu bogaadinayaa waayeelnimada iyo Dulqaadka ay muujiyeen Madaxda Dowladda Federaalka mudadii shirka Garoowe socday wuxuuna ka codsanayaa Xisbigu in ay ka Shaqeeyaan in kala aragti- duwanaanta lagu dhameeyo mar walba “Guri iyo Gogol Soomaaliyeed”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -