Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nidaam Casri ah uu ku shaqeyn Doono Maamulka G/Banaadir oo laga shiray (Sawirro)

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee maamulka gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Mudane Cabdiqaadir Maxamed Maxamud (Caana Boore) ayaa shir gudoomiyay kulan ujeedkiisu ahaa soo bandhigida dib u habeynta iyo howlgalinta nidaamka casriga ah ee uu ku shaqeyn doono qeybta maamulka iyo Maaliyadda.
Shirkan oo goob joog ka ahaayeen agaasimayaal iyo xubno kale ayaa inta uu socday waxaa goobta lagu soo bandhigay habraacyo ka turjumaayo nidaamkan casriga ah ee lagu shaqeyn doono iyo sidii loo fududeyn lahaa dhaqangalintiisa.
 
Gudoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Mudane Cabdiqaadir Maxamed Maxamud oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in muhiim tahay hirgalinta nidaamkan uu ku shaqeyn doono qeybta maamulka iyo Maaliyadda.
 
Maamulka Gobolka Banaadir gaar ahaan qeybta maamulka iyo maaliyadda ayaa isbadal weyn laga dareemayaa tan iyo markii xilkaasi bilooyin kahor loo magacaabay Cabdiqaadir Caanabboore oo ah aqoonyahan waxqabad muuqda la yimid.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Downlada Kenya oo quus ka taagan weerarada joogtada ee Alshabaab ku hayso!! (warbixin)

admin

Talo ku socota Madaxweyne Farmaajo iyo Musharaxiinta Madaxweyne ( Warqad furan )

Cabdi Cade

Qaxooti Soomaali ah oo goor dhow laga soo dejiyey garoonka Aadan cadde (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---