Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dil caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho & faahfaahino kasoo baxaya

Askari ka tirsan ciidamada dowlada ayaa caawa lagu dilay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Dilka oo ka dhacay xaafada Arjentiin ayaa waxaa geystay kooxo bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah oo ka tirsan degaanka.

Askariga la dilay oo ka tirsanaa ciidamada amniga ayaa magaciisa lagu sheegay C/llaahi Maxamed Caddow, iyadoo kooxihii ka dambeeyey dilkiisa ay u suuragashay iney goobta ka baxsadaan.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, iyagoo halkaas ka sameeyey howlgalo baaritaan ah, iyadoo dilkan uu noqonayo kii ugu horeeyey ee Muqdisho loogu geysto askari ka tirsan ciidamada dowlada tan iyo markii la guda galay bisha Ramadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shan ruux oo lagu dilay degaan ka tirsan gobolka Hiiraan & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Guddoomiyeyaal cusub oo loo magacaabay qaar ka mid ah degmooyinka G/Banaadir

Caydiid Ali

Madaxtooyada oo ka hadashay Wararka sheegaya in Xasan Sheekh safar ku tagay Israa’iil

Cabdi Cade
Taboola Ads ---