Shir Saddex geesood ah oo Madaxda Puntland, K/Galbeed & Hirshabelle uga furmay Garowe (Sawirro)

Shir saddex geesood ah oo u dhaxeeya madaxda Maamul Goboleedyada Puntand, K/Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa ka furmay magaalada Garowe, iyadoo shirkan uu ku soo beegmay, kadib markii uu fashilmay shirkii Madaxda Dowladda federaalka iyo Maamul Goboleedyada.

Seddexdan Dowlad Goboleed ayaa Iska Kaashan Doona Amniga oo ay qeyb ka tahay Isu Celin Maxaabiista, Xoojinta Xiriirka Ganacsi, iyo Talo Wadaag ku dhisan Siyaasad Degan.

Waxaa shirka furay madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana lagu sheegay inuu yahay shirka Iskaashiga, xiriirka iyo wax wada-qabsiga dowladdaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka Soomaaliya ee Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, waxaana ka qeyb galaya Madaxweynayaasha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Koonfur Galbeed C/casiis Maxamed Xasan Laftagareen.

Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni ayaa sheegaY in shirka saddex geesoodka ah uu qayb ka yahay geeddi socodka dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya u noqon lahayd dowlad Federaal ah oo awood leh, wuxuuna soo dhoweeyay iskaashiga iyo xiriirka cusub ee dhexmaraya Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Maamulka Puntland ayaa u muuqda inuu taageeradii kala laabtay Maamulada Galmudug iyo Jubbaland ka dib markii ay sabab u noqdeen burburkii ku yimid shirkii madaxda federaalka iyo kuwo dowlad goboleedyadu isugu tageen Garoowe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -