Duuliye si xirfadeysan u dejiyey dayuurad uu taayarka hore u bixi waayey (Sawirro)

Garoonka Dayuuradaha Magaaladda Mandalay ee dalka Myanmar waxaa si nabad ah ugu soo degtay Dayuurad ay la socdeen 82 qof oo rakaab ah ka dib markii uu u bixi waayey taayarka hore.

Dayuuradani oo ay leedahay Shirkada Dayuuradaha dalkaasi ee Embraer ayaa la sheegay in Duuliyuhu awooday inuu Diyaaradda si nabad ah u soo dejiyo, iyadoo ku socota qeybta Sanka Diyaaradda

Dhamaan rakaabkii la socday dayuuradan ayaa si amaan ah uga soo degay dayuurada, iyadoo duuliyaha lagu amaanay sida uu ugu dedaalay inuu badbaadiyo rakaabka.

Shilkan ayaa noqonaya kii labaad ee ka dhaca dalka Myanmar todobaad gudihiis, iyadoo Arbacadii hore ay Dayuurad ku burburtay dhabaha Garoonka dayuuradaha caasimadda dalkaasi eeYangon waxaana ku dhaawacmay 17 qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -