Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni, Faroole & Gaas oo ka qeyb galay kulan looga hadlay doorashada Somalia (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa ka qeybgalay kulanka 4-aad ee Doodaha looga hadlayo habka ugu wanaagsan ee Soomaaliya uga gudbi karto marxalada kala guurka iyo doorashooyinka dalka.

Waxaa kulanka looga dooday hanaanka Doorasho ee Soomaaliya ka qabsoomi kara, Iyadoo lagu saleynayo caqabadaha iyo fursadaha jira, Doodaha noocan oo kale ah yaana sii socon doona illaa ugu dambeyn ay kasoo baxdo aragtida Puntland ee nooca Doorasho ee dalka ka dhici karta.

Kulanka oo ay kasoo wadashaqeeyeen Wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland iyo Hay’adda PDRC, waxaa ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame, Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynihii hore Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Senator Cabdirisaaq Juurile, Xildhibaanad Sacdiya Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Soomaaliya, Xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Siyaasiyiin hore xilal ugasoo qabtay Puntland iyo qeybaha bulshada.

Puntland iyo maamulo kale ayaa si weyn uga soo horjeeda in xilka loo kordhiyo Madaxda talada heysa ee DF, iyagoo doonaya in la qabto doorashooyinka xiliga kala guurka noocey doonaanba ha ahaadeene, welina lama shaacin nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta todoba bilood ka dib marka uu dhamaado muddo xileedka madaxda DF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Guddiga Doorashada heer Federaal oo war kasoo saaray doorashada ka bilaabatay Puntland

Cabdi Cade

Nin iska dhigay Naag si uu imtixaan ugu galo Saaxiibtiis oo Fashilmay lana qabtay !

Cabdi Cade

Nin Soomaali ah oo gacan ka geestay in Xabsiga laga sii daayo Nelson Mandela !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---