Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Markab deked ku taalla Ukraine ka soo qaaday gargaar Somalia loo soo wado

Markab u kireysan hay’adda cunnada adduunka ee WFP ayaa soo gaaray magaalada dekada ah ee badda madow ku taalaa ee Chornomorsk ee dalka Ukarine.

Waxaa Markabkani shixnad raashinka ah gaarsiin doonaa Soomaaliya sida ay sheegtay Wasaaradda kaabeyaasha dhaqaalaha ee Ukraine Axada maanta ah.

Ukraine ayaa horey ugu dirtay Qamandi dalalka Ethiopia, Yemen iyo Afghanistan kuwaasoo sii marey WFP.

Dhoofinta wax soo saarka beeraha ee Ukarine ayaa hoos u dhacay tan iyo markii uu bilowdey dagaalka uu Ruushku dalkaas ku qaadey.

Dekedaha ku yaala badda madow ayaa ahaa marinka uu raashinkani sii mari jira kaasoo isna xirmey dagaalka awgiis, waana sababta keentey sare u kaca cunada dunida iyo cabsida ku aaddan in Africa iyo Bariag Dhexe ay cuno yari wajahaan.

Saddex magaalo dekedeed oo ku yaalla Bada Madow ayaa xannibaadii saarneyd laga qaadey dhamaadkii bishii July ka dib heshiis dhex marey Moscow iyo Kyiv oo ay soo qaban qaabiyeen Turkiga iyo QM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu danbeeyay ee 24 saac ee lasoo dhaafay (Gudaha iyo dibadda)!!

admin

Madaxweyne Erdogan oo diiday is casilaada mid kamid ah Wasiiradiisa muhiimka ah

Cabdi Cade

Fal dad badan ka argagaxeen oo ka dhacay Itoobiya iyo caro ka dhalatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---