Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Farmaajo oo ku haray Garoowe iyo RW Khayre oo Muqdisho ku soo laabtay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku haray magaalada Garowe, kadib markii uu burburay shirkii wadatashiga madaxda dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada mudada todobaadka ah uga socday magaalada Garoowe.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu maalmo kale sii joogi doono magaalada Garowe, isla markaana kulamo gaara la yeelan doono madaxda Puntland iyo qeybaha bulshada, isagoo dadaal ugu jira inuu heshiis hoose la galo maamulka Puntland oo hadda u muuqda inuu isaga haray taageerada Axmed Madoobe iyo Axmed Ducaale Xaaf oo ay isbaheysi lahaayeen.

Qorshaha Madaxweyne Farmaajo ugu haray magaalada Garowe ayaa hore u qorsheysnaa, waxaana ahmiyad kale u sii yeelay fashilkii ku yimid shirkii Garowe.

Qorshaha cusub ee Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa ah inay kala furaan madaxda isbaheysiga lahaa ee Puntland, Galmudug iyo Jubbaland oo laba ka mida ay doorashooyin ku soo fool leeyihiin, waxaana Axmed Madoobe iyo Xaaf Garoonka Garowe ku soo sagootiyey C/raxmaan Faroole iyo xubno kale iyadoo uu ka baaqsaday Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni.

Dhinaca kale Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib toddobaad uu ku sugnaa magaalada Garowe oo uu kaga qeyb galay shirkii wada tashiga ee fashilka ku dhamaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Dibed baxyada ka dhanka ah Israel ee caawa ka dhacay dunida Islaamka

Caydiid Ali

Haween badan oo kamid noqonaya ciidamada Daraawiishta Galmudug (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Farmaajo oo ka hadlay talaabada deynta looga cafiyey Soomaaliya (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---