Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Miinooyin laga soo saaray degaano ka tirsan Sh/hoose (Daawo Sawirro)

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa soo gabagebeeyey Howlgal miinooyin looga saarayey inta u dhaxeysa degaanada Bariire iyo Lambar-50 ee gobolka Shabeelaha hoose

General Odawaa Yuusuf Raage oo ah taliyaha ciidanka Lugta ee xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalkaas lagu soo saaray miinooyin badan oo Al-shabaab ay ku aaseen goobahaas.

“Waxey Mahadi u sugnaatay allah SWC, marka xigtana Cidanka xoogga dalka soomaaliyeed, gaar ahaan cutubyada sida gaarka ah ugu tababaran walxaha qarxa, kuwaaso maanta si nabadgelya ah uga saaray miinooyin ay aaseen iimaan laawayaasha nabad diidka ah, iyagoo maalmihi la soo dhaafay ku howlanaa dhaca, boobka, iyo daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Taliyaha.

Al-shabaab ayuu ku eedeeyey iney si aan kala sooc laheyn miinooyinka ugu aasayaan wadooyinka ay isticmaalaan bulshada, taasoo ku tusineysa buu yiri in aanay jirin bartilmaameed gaar ah oo ay leeyihiin balse ay doonayaan daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in Ciidanka XDS uu u taaganyahay ilaalinta sharafka, karaamada iyo badqabka ummadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo ku baaqay in loo midoobo Al-Shabaab ka dib weerarkii hotel Xayat

Caydiid Ali

Baarlamanka Ciraaq oo ansixiyey qaraar ka dhan ah ciidamada Maraykanka

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Khayre oo kulan sagootin ah la qaatay danjire David Concar (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---