Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada qarax ka dhacay gudaha Kenya

Kolonyo gaadiid ah ay wateen ciidamada Kenya ayaa la sheegay in qarax miino lagula eegtay  inta u dhexeysa deegaannada Finoow iyo Alcarabiya oo hoostaga magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxan ka dhacay duleedka Mandheera, waxaana war kasoo baxay Al Shabaab lagu sheegay in qaraxaasi lagu gubay gaari ay la socdeen ciidanka Kenya.

Warka kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamadii saarnaa gaariga qaraxa lala helay.

Dowlada Kenya ayaan wali ka hadlin qaraxan Al Shabaab masuuliyadiisa sheegteen, waxaana marar badan gudaha dalka Kenya ka dhacay qaraxyo iyo weeraro kale ay fuliyeen Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xeebta Liido oo dabaasha laga mamnuucay & amaro lagu soo rogay Hotelada iyo baararka

Caydiid Ali

Hogaamiyihii Abaabulay Qaraxii masaajidka Daarul Faaruuq oo Xukun adag lagu riday

Cabdi Cade

Imaaraatka oo Faragalin ku haya Siyaasada Mareykanka iyo Xogo qarsoon oo la helay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---