Taliska Booliiska Somaliland oo ka hadlay Xildhibaan lagu xiray Hargeysa

Taliska ciidamada booliiska maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeesay ka hadlay Xildhibaan katirsan golaha Wakiilada maamulkaasi oo  lagu xiray xabsi kuyaala magaalada Hargeysa.

Ciidamada booliiska ayaa xiray Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan gollaha wakiilada maamulka Somaliland , Xildhibaanka ayaana loo heestaa hadal uu ka dhawaajiyay oo ahaa in xuska Maalinta 18 may ay tahay maalin ay leedahay jabhadii SNM.

Taliye ku xigeenka ciidanka booliska Somaliland Maxamed Liibaan Fooxle,  oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xildhibaanka la xiray uu ku kacay falal lidi ku ah qaranimada iyo jiritaanka maamulka Soomaaliland.

“Xildhibaan Dhakool Wuxuu ku kacay falal liddi ku ah qaranimada Somaliland, kana hor yimid jiritaanka qaranka Somaliland, waxaana qabashadiisa loo cuskaday qodobada kala ah  49, 79, isagoo ku kacay falal kala qaybin bulshada Somaliland iyo kicinba ah, isagoo ka hor yimid mabaadiidii qaran ee ummada Somaliland iyago isku dhan wada jir ku go’aansadeen shirweynihii gooni isku taaga Somaliland ee magaalada Burco, ” ayuu yiri taliye Fooxle.

Xildhibaanka la xiray oo kasoo jeeda gobolka Sool ayaa xarigiisa lagu tilmaamay mid sharci daro ah maadaama uu yahay Xildhibaan Xasaanad leh, waxaana hadalka Xildhibaanka ku weeraray xiska 18-ka May ka carooday Madaxda maamulka Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -