Baabuur Qaali ah uu lahaa Madaxweyne Caan ahaa oo la xaraashayo

Baabuur nuucyo kala duwan uu lahaa Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa la shaaciyay in la xaraashayo, waxaana gaadiidkan isugu jiraan kuwo raaxo iyo gaadiidka beeraha.

Wargayska ay dawlada Zimbabwe leedahay ee Herald ayaa qoray in la xaraashayo gawaari kala duwan uu lahaa Madaxweynihii hore ee Zimbabwe, ma sheegin wargeyska sababta loo xaraashayo gaadiidkan.

Shirkad wax xaraashta ayaa khamiistii shalay xayeesiin u sameesay baabuurta uu leeyahay Mugabe ee la xaraashayo, waxa ayna shirkada soo bandhigtay ilaa sodomeeyo gaari oo nuucyo kala duwan leh oo la xaraashayo.

Gaadiidka la xaraashayo ayaa waxaa kamid ah Mercedes Benz C-class limousine iyo gawaari kale oo noocoodu yahay Ford Rangers, waxaa sidoo kale gaadiidka la xaraashayo ku jira kuwa beeraha loo adeegsado.

Madaxweyne Mugabe ayaa xilka xoog looga tuuray sanadkii 2017-dii, waxaana Warbaahinta qaar tabiyeen in sababta gaadiidkan loo xaraashayo loo maleenayo in mashaakil dhaqaale lasoo darsay Qoyska Madaxweyne Mugabe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -