Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Masuuliyiin ka tirsan Somalia & Masar oo kulan labo geesood ah ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi ayaa maanta oo Axad ah ah ku qaabilay dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Danjire Hamdi Loza, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashi wadaagga iyo sidoo kale arrimihii ugu dambeeyay gobolka iyo dunida.

Soomaaliya waxa ay doonaysaa inay hore ugu dhaqaajiso xiriirka kala dhexeeya Masar dhinacyada kala duwan si kor loogu qaado wax wadaagga istiraatiijiga iyo in la qoto dheereeyo iskaashiga dhan kastaba leh, oo ay ka mid yihiin ammaanka, milatariga, waxbarashada iyo ganacsiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Wasaarada Caafimaadka oo soo saartay Talooyin kadib markii Caronavirus lagu arkay Muqdisho

Cabdi Cade

Mid ka mid ah fanaaniinta ugu caansan Somalia oo caawa ku geeriyooday Muqdisho

Caydiid Ali

Dhalinyaro Soomaali ah oo kamid noqday dadkii qabowga ugu dhintay Xadka Turkiga iyo Gariiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---