Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mid ka mid ah fanaaniinta ugu caansan Somalia oo caawa ku geeriyooday Muqdisho

Fanaankii Soomaaliyeed ee Faarax Siidoow Faarax ayaa caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Geerida fanaanka ayaa waxaa Allbanaadir Online u xaqiijiyey masuuliyiin ka tirsan Wasaarada warfaafinta Somalia iyo xubno ka tirsan qoyskiisa.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka oo da’ ahaa uu caawa ku geeriyooday hoygiisa oo ku yaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir halkaasoo la sheegay inuu mudooyinkan ku xanuunsanayey.

Faarax Siidow Faarax ayaa ahaa fanaankii qaaday heestii ugu horeysay ee laga sii daayey aasaaskii telefishinkii hore ee Qaranka sanadkii 1987dii, isagoo sidoo ku luuqeeyey suugaan fara badan caan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/AqDnGHaxxKs

Related posts

Cali Guudlaawe oo soo saaraya Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare lana kulmay Guddi Doorasho (Sawirro)

Cabdi Cade

Fatou Bensouda hoggaamin doonta baaritaanka tacadiyada ka dhacay dalka Itoobiya

Cabdi Cade

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geestay dalka Koonfur Afrika

Cabdi Cade
Taboola Ads ---