Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mid ka mid ah dowlad goboleedyada dalka oo shaaciyey in beri ay u tahay 30-ka Shacbaan

Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in maalinta beri ah ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan.

Wasaaradda aya asheegtay in meelaha dadka ka arkeen Caawa Bisha Ramadaan ay ka mid yihiin Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Magaalada Jowhar ee Shabeelaha Dhexe iyo meelo kale ayna sugnaatay bilsha bisha Ramadaan.

Inta badan degaanada Soomaalida ayaa laga soomayaa berri, iyadoo maamuladaa kala duwan ay ku dhawaaqeen in bishii Ramadaan ay bilaabaneyso Isniinta beri ah.

Dhinaca kale, Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa Culimada Ahlu sunna ay ku dhawaaqeen inaan la arkin bishii Ramadaan Caawa, sidaas darteedna Berri oo Isniin la buuxinayo Bishii Shacbaan wax Soon ahna aanu jirin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Madaxweyne Trump oo si dhuumasho ah ku galay Aqalka Cad isaga oo Jahwareersan

admin

Dalal Soomaaliya ku jirto oo la qorsheenayo in laga mamnuuco in Mareykanka galaan

Cabdi Cade

Wararkii Ugu dambeeyay Qaraxii xooganaa ee ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---