Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Daawo Sawirada: Orodyahan Afrikan ah oo rikoor cusub u dhigay Orodka adduunka

Orodyahan caan ah oo u dhashay dalka Kenya ayaa rikoor cusub u dhigay tartanka orodka adduunka , kadib markii uu ku guuleestay tartanka orodka adduunka ee ka socda magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.

Eliud Kipchoge oo 33 sano jir ah ayaa jabiyay rikoor horey ugu yaalay orodka adduunka, waxa uuna Orodyahankan reer Kenya oo hada dhigay rikoor cusub ku orday  2 saacadood, hal daqiiqo iyo 39 ilbiriqsi.

Orodyahankan reer Kenya ayaa lagu tiriyaa orodyahanada dunida ugu horeeya , waxa uuna Eliud uu noqday Orodyahankii ugu horreeyay ee ku ordda wax ka yar 2 saacadood iyo 2 daqiiqo.

Eliud Kipchoge ayaa horey guulo taariikhi ah usoo hoyiyay, waxa uuna hada sare u qaaday magaca qaarada Afrika gaar ahaan dalka Kenya, waxaana rikoorkan cusub uu dhigay ay noqotay mid si weyn loo hadal hayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada DF oo ku biiray xisbiga Waddani

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Xuseen Max’ed Nuur oo xariga ka jaray Xafiiska Amniga Maamulka G/Banaadir

Caydiid Ali

Muqdisho iyo gobolada dalka oo si weyn looga dabaaldegayo Munaasabada Ciidul adxaa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---