Kenya oo sameysay balan-qaad la xiriira dacwada Badda ka dib guusha kursigii Golaha amaanka

Kenya ayaa ku guulaysatay kursi aan joogto ahayn oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kadib markii ay codadkii loo baahnaa ka heshay tartankii kala dhexeeyay Jabuuti.

Masuuliyiinta Kenya ayaa sheegay in xubinimadaasi aysan u adeegsan doonin xiisada kala dhexeysa Soomaaliya.

Hogaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa sheegay in dalkiisa uu ka shaqeyn doono wanaajinta ammaanka caalamka, gaar ahaan kan gobolka Geeska Afrika.

Ducaale ayaa sheegay in dalkiisa aanu kursiga u adeegsan doonin khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya ee salka ku haya muranka xuduud badeedka labada dal.

“Soomaaliya waxaan u maleynayaa inay ka mid ahayd dalalkii inoo codeeyay markii aan musharraxa ka ahayn Midowga Afrika, Arinta badda waxay hor taallaa maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Soomaaliya waxay ogoshahay maxkamadda waxay go’aamiso, anagana sidoo kale. arrintaas kursiga golaha amaanka iyo dacwada baddana isma khuseeyaan Dalal walaalo ah ayaan nahay, mana kala go’ayno,” ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.

Loolanka xooggan ee dhexmaray Kenya iyo Jabuuti ayaa daaha ka rogay khilaafka u dhexeeya qaar kamid ah dalalka Bariga Afrika.

Soomaaliya ayaa taageertay hamiga Jabuuti ee kursigaasi, kadib markii uu dalkaasi yar ka horyimid go’aankii Midowga Afrika uu ku taageeray musharraxnimada Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -