Dowlad deegaanka Soomaalida oo ka baxday Heshiis ay horey ula gashay Canfarta iyo Xiisad taagan

Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ka baxday heshiis sharci daro markii hore lagu tilmaamay oo maamulkii hore Cabdi Maxamuud Cumar uu la galay is maamulka Canfarta Itoobiya.

Heshiiska ayaa dhigayay in sadex degmo ee Soomaalida Itoobiya degaan la hoos geeyo maamulka Canfarta, waxaana Soomaalidaasi mudooyinkii lasoo dhaafay dhibaato kala kulmayeen Qowmiyada Canfarta ee la hoos geeyay.

Khamiistii ayaa la sheegay in maleeshiyaad canfar ah ay dileen 11-qof oo Soomaali ah oo kunoolaa degmooyinka la hoos geeyay Is maamulka Canfarta, waxa uuna dilkaasi dhaliyay  in maamulka Soomaalida uu ka baxo heshiiskii hore degmooyinkaasi lagu wareejiyay.

Shir deg deg ah ay yeesheen shalay golaha Wasiirada maamulka Soomaalida ayaa lagu go’aamiyay in laga baxo heshiiskii horey maamulka Canfarta loogu hoos geeyay degmooyinka Cadhuufo, Caddeeyto iyo Garbo-Ciise.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda war-faafinta Dowlad Deegaanka , Salaad Dhabar Yuusuf ayaa sheegay in markii ay badatay dhibaatada haysata dadka deegaanadaasi deggan ay go’aansadeen in ay dhulkaasi ku soo celiyaan gacanta maamulkooda.

”Dowladda deegaanka Soomaalida guddigeedu fulinta wuxuu go’aansaday in iyada oo laga duulayo dhibaatooyinkii soo noqnoqday, iyo canfarta oo ku guuldareysatay in ay fuliso heshiisyadii howladihii hore ee xitaa sharcidarrada ku gaaray wareejinta dhulkaa…sidaa awgeed baa dadkii la laayay, la dhibaateeyay marka dowladda deegaanka Soomaalida wuxuu go’aan ku gaaray in gebi ahaanba heshiiskaasi uu ka noqdo. Ayuu yiri Salaad.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in ay isku dhacaan maamulada Soomaalida iyo kuwa Canfarta, dowlada federaalka ayaan wali war kasoo saarin dadka Soomaaliyeed ay laayeen Canfarta iyo xiisada hada taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -