Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo lagu soo qabtay howlgal ka dhacay Sh/hoose

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in Ciidamada amniga howlgal ay ka sameeyeen degmada Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ka taliyaan Sbabaab lagu soo qabtay Xubin ka tirsanaa Ururkaasi.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan lagu soo qabtay Xubin Al-Shabaab u qaabilsanaa qaadista lacagaha canshuurta ah, iyadoo aan faahfaahin laga bixin magaca qofka la qabtay iyo muuqaalkiisa midna.

“Ciidanka amniga oo howlgal qorshaysan ka fuliyey Degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gacanta ku soo dhigay dhagarqabe Al-shabaab ah oo shacabka ka qaadi jiray lacag baad ah. Ciidanka amnigu wuxuu sii wadi doonaa hawlgallada qorshaysan oo lagu bartilmaameedsanayo xubnaha al-shabaab” ayaa lagu yiri Qoraalka NISA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -