Warbaahinta dalka Itoobiya qaarkood, ayaa ku warramay in ciidamo fara badan oo milatariga dalkaasi katirsan soo gaareen meel u dhow xuduudka Itoobiya iyo Soomaaliya ee Feerfeer, iyaga oo kusoo jeeda gudaha Soomaaliya.
Ciidamadan xadka soo gaaray ayaa wararku sheegayaan in qorshuhu yahay in la geeyo deegaanno iyo degmooyin katirsan gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, si ay uga qeyb qaataan guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee dib ugu soo laabatay qeybo kamid ah labadaasi gobol.
Wararku waxa ay sheegayaan in ciidankan gacan ka geesanayaan sidii Al Shabaab looga saari lahaa deegaannada ay dib ula wareegeen maalmihii lasoo dhaafay, kaddib weeraro rogaal celis ah ay soo qaadeen.
Maalmo ka hor ayay aheyd markii diyaaradaha dagaalka Itoobiya ay duqeymo culus ka geysteen deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe, kaddib codsi la sheegay in uu uga yimid dowladda Federaalka Soomaaliya.