Jawar Maxamed oo xabsi la dhigay iyo xiisada ka taagan Adis Ababa oo kasii dareysa

Magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka socday banaan baxyo rabshado wata oo ay dhigayaan dad kasoo jeeda Qowmiyada Oromada oo ka careesnaa dilka Fanaan caan ah loogu geestay Adis Ababa.

Rabshadaha ayaa sii xoogeestay markii ciidamada amaanka Itoobiya xabsiga dhigeen Hogaamiyaha taageerada badan ku dhax leh Oromada Itoobiya Jawar Maxamed oo mar saaxiibo dhaw ahaayeen Abiy Axmed hormuudna u ahaa isbadalka Itoobiya ka dhacay.

Ciidamada booliiska ayaa wada howlgalo ay ku doonayaan in xiisada ka taagan magaalada Adis Ababa ku dejiyaan, waxa ayna ciidamada xir xireen dad badan ay ku tuhmayaan in laf dhabar u yihiin mudaharaadyada iyo rabshada socda.

Dowlada ayaa jartay khadka intenetka si aysan usii baahin rabshadaha iyo banaan baxyada ka socda magaalada Adis Ababa, ciidamada booliiska ayaana mararka qaar rasaas u adeegsanaya dadka rabshadaha wada.

War kasoo baxay booliiska Federaalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in rabshadaha socda ku dhinteen 7-qof halka ay ku dhaawacmeen 4-qof oo kale, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha inta hada la ogyahay kasii bataan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -