Axmed Madoobe oo ka digay arrimo lidi ku ah amniga Kismaayo oo laga soo abaabulayo.. (Sawirro)

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ka dib muddo toddobaadyo ah oo uu ku sugnaa magaalada Nairobi isagoo arrimo badan ka hadlay.

Axmed Madoobe oo ka hadlayay xaalada siyaasada Dalka ayaa soo hadal qaaday Shirka Garowe oo uu sheegay in aanu ahayn shir amni balse uu yahay shir siyaasadeed oo ay tahay in laga heshiiyo siyaasadda oo ay hoos imaanayaan Amniga, Doorashada, Dastuurka iyo qodobo kale.

Wuxuu kaloo Axmed Madoobe ka hadlay arrimaha amniga, gaar ahaan amniga magaalada Kismaayo, wuxuuna caddeeyay inuu doonayo doorasho xalaal ah inay ka dhacdo Jubbaland, ayna gaartay Kismaayo meelaha ugu amniga badan Soomaaliya.

Waxaa Madaxweynuhu ka digay in xaalado Amniga lid ku ah iyo qulqulatooyin laga soo abaabulayo magaalada Muqdisho taasoo cida ku lugta leh ay masuuliyadeeda iyo waxa ka yimaada qaadayso.

“Waxaan aad walaac uga qabaa in Muqdisho ay nooga yimaadaan arrimo amniga wax u dhimaya, cida uun ayaa mas’uuliyadeeda qaadi doonta, waan ka digayaa, sax ma aha in la isku qaldo deganaanshaha iyo damaca siyaasadda..” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -