Allbanaadir.com
NEWS

Xashiish aad u badan iyo ragii watay oo gacanta lagu dhigay (Daawo Sawirro)

Ciidamada ammaanka maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay labo doon oo waday xashiish aad u fara badan iyo ragii watay, xilli la doonayay in si qarsoodi ah lagu galiyo magaalada Kismaayo.

Ciidanka booliska gobolka Jubada Hoose ayaa warbaahinta ugu soo bandhigay Kismaayo  69 kiish oo xashiish ah, labo doon oo siday xashiishka iyo raggii waday, kuwaa oo la qabtay inta aysan magaalada gelin.

Taliyaha ciidamada booliska magaalada  Kismaayo G/dhexe Warsame Axmed Geelle ayaa sheegay in ciidamada qabteen xashiishka iyo ragii watay, kaddib markii ay heleen xogtooda , waxa uuna xusay in ragan la qabtay maxkamad la saari doono.

Taliyaha ayaana digniin adag u diray dadka ku mashqulsan inay maandooriyaaal soo galiyaan magaalada Kismaayo, waxa uuna cadeeyay cid kasta oo lagu qabto iyaga oo magaalada soo galinaya maandooriye laga qaadi doono tallaabo culus.

Magaalada Kismaayo ayaa si qarsoodi ah loo galiyaa waxyaabaha maankadooriya sida xashiishka iyo khamriga, waxa ayna waxyaabahaasi isticmaalkooda magaalada ka abuuraan xaalad ammaan darro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fanaan xalay lagu toogtay Addis ababa & rabshado xooggan oo ka dhashay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaal culus oo ka socda degmada Bardaale iyo Wararkii ugu dambeeyay dagaalkaasi

Cabdi Cade

Xogta kulan dhexmaray Guuleed & danjire Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---