Sargaal kasoo goostay Al Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka dowlada (Akhriso Magaciisa)

Warbaahinta ku hadasha afka Dowlada Soomaaliya ayaa baahisay in Sargaal katirsanaa Kooxda Al Shabaab uu isku soo dhiibay Ciidanka Dowlada ee ku sugan Degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Sargaalka kasoo goostay Al Shabaab ayaa magaciisa lagu sheegay  Cabdi Nuur Macalin Xasan , waxaana ninkan oo hubeesnaa isku soo dhiibay lana joogaa ciidamo katirsan Dowlada.

Isxaaq Xuseen Mursal  oo kamid ah Saraakiisha ciidanka dowlada ee ka howlgala gobolka Gedo ayaa sheegay in sargaalkan kasoo goostay Al Shabaab kadib markii uu khilaaf soo kala dhax galay Madaxda maamulkaasi.

Saraakiil iyo dagaalyahano katirsanaa Al Shabaab ayaa la sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyay isku soo dhiibayeen ciidanka dowlada ee ku sugan gobolada Baay, Bakool iyo Gedo.

Al Shabaab ayaan ka hadlin Saraakiishan la sheegay in dhankooda kasoo goosteen, Al Shabaab ayaana inta badan looga baran in ay ka hadlaan saraakiisha iyo dagaalyahanada ka goosta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -