Daawo Sawirada: Ciidamada booliiska oo Rasaas ku furay Gaari nuuca aan xabadaha Karin oo marayay Meel ku dhaw…

Ciidamada booliiska Soomaaliya ee ilaaliya amaanka xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa rasaas ku furay gaari nuuca aan xabadaha Karin oo damcay in uu xoog ku maro koontarool yaala agagaarka Isgooska Sayidka.

Sida aan wararka ku helnay gaarigan ayaa damcay in uu dhaafo koontaroolka ciidanka booliiska dhigeen meel kasoo baxsan Isgooska Sayidka si ay u xaqiijiyaan amaanka xarunta golaha Shacabka ay maanta ku shirayaan Baarlamaanka.

Ciidamada booliiska ayaa rasaas ku furay gaarigan oo ah nuuca aan xabadaha Karin, waxaana gaarigan in mudo ah  uu yaalaa meel aan ka fogeyn koontaroolka lagu rasaaseeyay, darawalka ayaana la sheegay in uu diiday in uu gaariga kasoo dego.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in gaarigan la rasaaseeyay uu leeyahay Hanti Dhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud Afgooye, waxaana wararka sheegayaan in Hanti Dhowraha uusan gaariga la socon.

Lama oga cida iska leh gaarigan booliiska rasaasta ku fureen, waxaana xusid mudan in gaadiidka nuuca aan xabadaha Karin ee inta badan isticmaalaan masuuliyiinta dowlada katirsan.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkaaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -