(Sawirro) Dabley hubeysan oo leysay dad ku cibaadeysanayey Masjid

Ugu yaraan afar qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday masjidka Shah Cheragh oo ku yaalla magaalada Shiraz ee dalka Iran sida ay sheegtay warbaahinta dalkaas.

Labo ka mid ah dadka la dilay ayaa lagu soo waramayaa inay ahaayeen dad ka shaqeynayey masjidka oo lagu tiriyo inuu yahay halka saddexaad ee ugu muhiimsan Shiicada Islaamka.

Waxaa lagu soo waramayaa in laba nin oo hubeysan ay ku lug lahaayeen weerarka. Mid ka mid ah ayaa lagu soo waramayaa in gacanta lagu dhigay, iyadoo booliskuna ay baadigoob ugu jiraan kan kale.

Weerar lagu qaaday masjidka Bishii Oktoobar  ayaa waxaa ku dhintay saddex iyo toban qof, Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka hore.

Labo qof ayaa bishii hore lagu fuliyay xukun dil ah ka dib markii lagu eedeeyay inay gacan siiyeen ninka hubeysan ee weerarkaas fuliyey.

Booliska Iran ayaan ka hadlin weerarkan u dambeeyey oo sidoo kale lagu dhaawacay dhowr oo la dhigay goobaha Caafimaadka.

- Advertisement -